Muqdisho, 27 Agoosto 2025 – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal gaar ah ku soo qabtay labo nin oo lagu eedeeyay in ay geysteen fal dhac oo sababay dil.
War kasoo baxay Ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in la soo qabtay Cabdullaahi Cabdirahman Xaashi iyo Cabdiqadar Nuur Cismaan, kuwaas oo ku eedeysan in ay 26-kii Agoosto 2025 dileen S/Le Nasrudiin Cabdi Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Ciidanka waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ka dambeeyay. Waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu marsiiyo.”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Booliska.




From the comments