U bood dhigaalka

Muxuu yahay heshiiska lagu Ansixiyay Shirkii golaha Wasiirrada ee maanta?

Ogoosto 28, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Kulanka golaha, oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.