Goobjoog

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay Askar dhac u geysanayay Shacabka deegaanka Ceelasha Biyaha

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee saldhigga Ceelasha Biyaha ayaa ku guuleystay qabashada koox burcad ah oo lagu eedeeyay inay khal-khal geliyeen amniga deegaanka isla markaana dhac u geysteen dad shacab ah.

Eedeysanayaasha la soo qabtay ayaa kala ah:

Dable X.G.D. Nuur Muxiyadiin

Dable X.G.D. Yaasiir Cali Abukar

Cabdi Kaafi Ibraahim Shariif

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska, eedeysanayaashan ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Boliiska waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si loogu marsiiyo sharciga dalka.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si wadajir loogu adkeeyo nabadda iyo xasiloonida guud ee caasimadda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments