U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka baraha bulshada ka sameeya Sumcad dilka

Sheeko:War

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu gacanta ku hayo gal-dacwado la xiriira cayda iyo aflagaadada, sumcad-dilka, isku-dirida bulshada, faafinta sawirro iyo muuqaallo anshax-xumo ah, faafinta been abuurka iyo kicinta bulshada dhexdeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in kiisaskan ay muujinayaan khatar weyn oo ku saabsan xasilloonida bulshada, sumcadda dadka iyo amniga guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Xafiisku wuxuu caddeeyay inuu sii wadi doono tallaabo sharci oo adag oo laga qaadayo cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah shuruucda dalka, isagoo xusay in la ilaalinayo sharafta iyo sumcadda bulshada, isla markaana la xoojinayo nabadgelyada guud.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in la ixtiraamo shuruucda dalka, isagoo ku adkeeyay in ilaalinta sharciga iyo ka hortagga dambiyada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo nabad waarta iyo horumar bulsho.