U bood dhigaalka

Taariikh nololeedka Abu Cubayda iyo Saamaynta uu dilkiisu ku yeeshay kooxda Xamaas

Marinka Gasa waxaa 30-kii Agoosto 2025 ka dhacay weerar duqeyn ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, kaas oo la shegay in lagu dilay dad uu kamid ahaa Abu Cubeyda, afhayeenkii caanka ahaa ee laanta militari ee Xamaas, ee loo yaqaanno Al-Qassam Brigades.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil, howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday goob uu ku sugnaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, halka tiro kale oo badani ku dhaawacmeen.

Abu Cubeyda, oo magaciisa dhabta ahi ahaa Xudayfa Samir Cabdallah al-Kahlout, wuxuu ku dhashay magaalada Gasa 11-kii Febraayo sanadkii 1985-kii, Waxa uuna ka mid noqday Al-Qassam sanadkii 2002, ayadoo loo magacaabay afhayeen rasmi ah sanadkii 2007, xilligaas oo Xamaas ay gacanta ku dhigtay maamulka Gasa.

Wuxuu ahaa wajiga ugu muuqashada badan ee kooxda, isagoo muddo labaatan sano ku dhow u ahaa codka iyo muuqaalka ugu xooggan ee dagaallada iyo hanjabaadaha Xamaas, Waxbarashadiisana wuxuu ku qaatay Jaamacadda Islaamiga ee Gaza, halkaas oo uu ka bartay culuumta Islaamka.

Waxaa lagu yaqaannay inuu had iyo jeer wejigiisa asturo, isagoo xiran cimaamad casaan iyo maro astaameed cagaar ah, kuwaas oo uu caan ku ahaa

.Abuu Cubeyda Marar badan gurigiisa Jabalia ayaa la duqeeyay, balse wuu ka badbaaday ilaa weerarkii ugu dambeeyay ee sababay dhimashadiisa, wuxuuna dilkiisu saamayn ku yeeshay howlaha kooxda Xamaas iyo xogihii ay warbaahinta marin jireen.

Inkastoo Israel ku faantay guusha hawlgalka, falcelinta Hamas weli si buuxda looma ogaan, mana shaacin kooxdu in dilka Abu Cubeyda uu dhab yahay in kale,Balse warbaahinta ayaa si xoog leh u hadal haysa arrintan.