Ruushka oo Weerar ku Qaaday Galbeedka Ukraine

Ruushka ayaa maanta qaaday weerar ballaaran oo ka dhan ah galbeedka Ukraine, taas oo sababtay in seeriga digniinta laga maqlo guud ahaan dalka.
Weerarkan ayaa sidoo kale ku qasbay dalka Poland inuu hawada sare ku adeegsado diyaaradaha dagaalka ee milatariga si loo difaaco xuduudaha hawada ee qarankooda.
Xaaladda ayaa kasii dartay iyadoo weerarku kusoo beegmay xilli madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku sugan yahay magaalada Beijing.
Putin ayaa halkaas uga qeyb galaya dhoolatus milatari oo ballaaran oo ay wehliyaan madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un. Dhoolatuskan ayaa loo arkaa isku soo dhawaansho istaraatiiji ah oo saddexdan dal u dhexeeya.
Dhanka kale, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu ka xumaaday ka qeybgalka Putin ee dhoolatuskan, isagoo intaas ku daray in maamulka Maraykanka uu ka fiirsanayo tallaabooyin lagu yareynayo dagaalka iyo dhimashada ka dhalanaysa weerarrada Ruushka ee Ukraine, inkastoo uusan faahfaahin ka bixinin qorshahaas.
Waxaa hadda la filayaa in NATO ay si dhow ula socoto xaaladda, iyadoo Poland iyo dalalka kale ee xuduudda ku dhow ay qaadayaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinaca ammaanka ah.