U bood dhigaalka

Maxaa sababay hadal-heynta ah inuu geeriyooday Donald Trump?

Madaxweyne Donald Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada kadib markii warar been abuur ah ay faafiyeen, kuwaas oo sheegaya inuu geeriyooday. Inkasta oo aanay jirin xaqiijin rasmi ah, hadal-heyntu waxay si degdeg ah u qabsatay meelo badan oo dunida ah, taasoo dhalisay jahawareer iyo su’aalo badan.

Wararkaasi waxaa sal u noqday maqnaansho muuqda oo Trump uu ka sameeyay fagaarayaasha dadweynaha, gaar ahaan maalmaha dabaaldegga Labor Day, muddo maalmood ahna lama arkin isagoo ka qeybgalaya kulamo siyaasadeed ama khudbado toos ah, taas oo dhalisay shaki ah halkee buu ku dambeeyay?.

Arrintan waxaa sii xoojiyay sawirro lagu arkay calaamado caafimaad oo jirkiisa ka muuqda, sida buro gacanta ah iyo barar lugaha ah, Inkastoo dhakhaatiir madax-bannaan sheegeen inay yihiin xaalado aan khatar badan ahayn, haddana muuqaalladaasi waxay soo nooleeyeen dood ku saabsan caafimaadka Trump oo horeba loogu muransanaa.

Waxaa kale oo la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu hadal ku sheegay diyaarinta haddiiba xaalad degdeg ah timaado, taas oo dad badan u fasirteen inuu si dadban uga hadlayo geerida Trump, xogahan ayaana si weyn loo wadaagay gudaha Mareykanka, kuwaas oo saldhig u noqday hadalheynta.

Sida caadada u noqotay, baraha bulshada ayaa kaalin weyn ka qaatay faafinta xogahan, Hashtags sida #TrumpIsDead iyo #WhereIsTrump ayaana si xawli ah ugu faafay Twitter (X) iyo TikTok, iyadoo algorithms-ka madalahaasi ay sii xoojiyeen, Taas ayaana sababtay in wararka been-abuurka ahi helaan kumannaan wadaagis iyo dood ku saleysan war aan la xaqiijin.

Ugu dambeyn, Trump laftiisa ayaa iska diiday wararka, isagoo qoraal uu soo dhigay ku sheegay in uusan waligiis ka caafimaad badnayn sidii hadda, Sawirro iyo muuqaallo cusub oo lagu arkay ayaana muujinaya isagoo golf la ciyaaraya qoyskiisa, kuwaas oo caddeyn muuqata u noqday in wararkii faafay aanay waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee Hadal-heynta geerida Trump waxaa kiciyay maqnaanshihiisa muuqaalka dadweynaha, calaamado caafimaad oo laga dheehday, hadallo siyaasadeed oo la fasiray, iyo baraha bulshada oo caado ka dhigtay faafinta warar aan la hubin.