Puntland oo diiday dhaqangalinta nidaamka E-Visa ee Soomaaliya

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa si toos ah u saameeyay rakaabka caadiga ah ee dalka soo gala.
Siyaasi Maxamed Keynaan, oo shalay ka soo degay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in lagu khasbay labo jeer inuu bixiyo dal-ku-gal (Visa) Soomaaliya.
DFS waxay dhowaan soo rogtay nidaam cusub oo dal-ku-galka lagu qaato online, kaas oo qof kasta oo wata baasaboorka shisheeye looga baahan yahay inuu ka dalbado kahor inta uusan dalka iman.
Qiimaha dal-ku-galkaas waa $64.
Balse markii uu diyaaradda kasoo degay Garoowe, maamulka Puntland ayaa ku amray inuu mar kale bixiyo dal-ku-gal kale oo Soomaaliya ah oo gaaraya $60.
Sidaas darteed, rakaabku waxa ay isku arkaan in lagu khasbayo laba jeer lacag dal-ku-gal ah.
Khilaafkan sharci iyo mid siyaasadeed ayaa sii xoojinaya kala fogaanshaha Garoowe iyo Muqdisho, halka shacabka Soomaaliyeed oo durba la daalaa dhacaya xaalado amni iyo dhaqaale uu kharash dheeraad ah iyo jahwareer ku noqday safarrada gudaha dalka.
Waxaa la saadaalinayaa in arrintan ay sii kordhiso muranka ka taagan maamulka socdaalka iyo awoodda sharci ee DFS iyo Puntland, taas oo u baahan xal degdeg ah si aanay u sii xumaan xiriirka maamulka iyo shacabka Soomaaliyeed.