U bood dhigaalka

Jarmalka oo jabiyay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee E-VISA

Sheeko:War

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka ayaa soo saartay war-murtiyeed ay muwaadiniinta dalkooda ku wargelinayso siyaasadda cusub ee socdaalka ee ku saabsan dhulka isku magacaabay Somaliland.

Aqbalidda Visa On Arrival

Wasaaraddu waxay sheegtay in muwaadiniinta Jarmalka ee u socdaalaya magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera, Burco iyo Ceerigaabo ay heli karaan dal-ku-gal (Visa On Arrival) marka ay ku soo degaan garoomada diyaaradaha ee magaalooyinkaas. Tani waxay meesha ka saartay shuruuddii ahayd in ay codsadaan E-Visa Soomaaliya kahor inta aanay soo safrin.

Dhanka kale, Wasaaradda Jarmalku waxay muwaadiniinteeda uga digtay xaaladaha amni, caafimaad iyo nololeed ee ku adag gobolka, iyadoo sheegtay in adeegyada caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ay aad u liitaan.

Waxay kula talisay muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ku aaddan ammaankooda iyo caafimaadkooda inta ay ku sugan yihiin gudaha Somaliland.

Go’aankan Jarmalka ayaa loo arkaa inuu jabinayo xeerka madax-bannaanida Soomaaliya, maadaama fiisaha rasmiga ah ee dalka Soomaaliya uu hoos yimaado dowladda Federaalka ee Muqdisho.

Aqbalidda fiisaha gaar ahaaneed ee Somaliland waxay dhalisay dood ku saabsan faragelin sharciyeed iyo sida ay saamayn ugu yeelan karto xiriirka labada dal.