Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir-madaxeedka dalalka Carabta iyo guud ahaan dunida Islaamka ee Doxa ku sheegay inuu rajaynayo in go’aannada shirkaasi ay isu beddelaan bayaan qoraal ah oo lagu wargelinayo bulshada caalamka.
Erdogan ayaa ku baaqay in la adeegsado cadaadis dhaqaale oo ballaaran oo lagu saarayo Israa’iil, isaga oo xusay in waayo-aragnimo hore ay muujisay in cunaqabateynta iyo cadaadiska dhaqaale ay yihiin hab wax ku ool ah oo lagu qasbi karo Israa’iil inay joojiso falalka ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyiinta Israa’iil lala tiigsado maxkamad caalami ah, iyadoo la adeegsanayo habraacyada sharciga caalamiga ah, si loogu xisaabtamo wixii fal-dambiyeedyo dagaal ah ee ka dhacay Qasa iyo Daanta Galbeed.




From the comments