Maxaa ka mid ah Qodobadii looga hadlay kulankii dhexmaray Erdogan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Doxa ee dalka Qadar kula kulmay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Rajab Dayyib Erdogan, xilli uu ka qaybgalayay Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka.
Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay xaaladda guud ee Bariga Dhexe, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray sidii xal mideysan looga gaari lahaa dhibaatooyinka ka taagan gobolka.
Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashi wadajir ah oo ku dhisan walaaltinimo iyo kalsooni, kaas oo kor u qaadaya xiriirka qotodheer ee labada dal.
Kulankan ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya iyo Turkigu u sii adkaynayaan xariirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.