Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar.
Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qeybgalka shirweynaha degdegga ah ee ay isugu imaanayaan dalalka Islaamka iyo Carabta.
Shirkan oo lagu qabanayo magaalada Doha ayaa diiradda lagu saarayaa weerarkii dhawaan ay Yahuuddu ka geysteen gudaha Qadar, arrintaasi si weyn walaac uga abuurtay waddamada Islaamka iyo Carabta.




From the comments