Iran ayaa xukun dil ah ku riday nin lagu eedeeyay inuu u basaasayay Israa’iil, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday warbaahinta dowladda Arbacadii, ninkaasi oo lagu magacaabo Babak Shahbazi.
Iran waxay horey xukunno dil ah ugu riday dad badan oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, ayna fududeeyeen hawlaheeda gudaha dalka.
Tirada dadka lagu fuliyay xukunka dilka ee loo haystay basaasnimo iyo shaqeynta Israa’iil ayaa si weyn kor ugu kacday sanadkan, iyadoo ugu yaraan sagaal qof la toogtay bilihii la soo dhaafay.




From the comments