42 Milyan oo Qof oo Ku Nool Lix Dal oo IGAD ka tirsan oo wajahaya gaajo iyo macaluul

42 milyan oo qof ayaa sanadkan wajahayaa heerar sare oo gaajo degdeg ah (IPC Heerka 3 ama ka sareeya) lix dal oo ka tirsan IGAD (Jabuuti, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda), sida lagu sheegay warbixinta IGAD ee 2025 Global Report on Food Crises oo maanta la sii daayay.
Shanta dal ee xogta laga hayay tan iyo 2016 (Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda), tirada dadka la daala dhacaya gaajo degdeg ah ayaa saddex-laab noqotay – laga bilaabo 13.9 milyan sanadkii 2016 ilaa 41.7 milyan sanadkan 2025.
Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa ah meelaha ugu daran ee macaluushu ku baahday.
Suudaan ayaa hadda leh tirada ugu badan ee dadka ku jira xaalad gaajo culus (24.6 milyan), iyadoo gobollo badan ku jiraan xaalad macaluul iyo khatar macaluul. Koonfurta Suudaan ayaa iyaduna leh boqolkiiba ugu badan dadka ku jira IPC 3 iyo ka sareeya (57%), iyadoo laba degmo ay khatar ugu jiraan macaluul rasmi ah.
Sababaha gaajada gobolka ayaa ah isku-darka dagaallada, dhibaatooyinka dhaqaale iyo isbeddellada cimillada oo is xoojinaya, taas oo kordhisa nuglaanta bulshada, hoos u dhigida ,adkeysiga, isla markaana dib u celinta guulihii horumarineed.
Xaaladda ayaa la filayaa inay sii xumaato, maaddaama saadaasha xarunta saadaasha cimilada IGAD (ICPAC) ay muujisay xaalado qallalan oo ka dhici doona qaybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan Itoobiya koonfurteeda, Kenya bari iyo Soomaaliya badankeed.
Barakaca qasabka ah: Gobolka IGAD ayaa weli ah kan ugu badan adduunka dadka barakacay. Ilaa dhammaadka Juun 2025, waxaa ku noolaa 23.2 milyan oo barakacayaal ah, oo ay ku jiraan 17.8 milyan oo barakacayaal gudaha ah iyo 5.4 milyan oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah. Suudaan ayaa noqotay dalka ugu badan ee IDPs haysta (qiyaastii 10 milyan), halka Uganda ay martigeliso qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika (1.9 milyan).
Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa yiri:
“Cunto-yari ma aha oo keliya gaajo; waa xasuusin cad oo muujinaysa caqabadaha isku xiran ee aan wajahno – dagaal, isbeddelka cimillada, dhaqaalaha iyo barakaca. IGAD waxay ku dadaalaysaa inay mideyso dalalka, xoojiso iskaashiga iyo horumarinta adkaysiga iyo nabadda.