U bood dhigaalka

10 dal oo reer galbeed ah oo Qorsheynaya Inay Aqoonsadaan Dowladda Falastiin

Madaxtooyada Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in 10 dal oo reer galbeed ah ay go’aansadeen inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, ayadoo go’aankan lagu soo bandhigi doonaa shir caalami ah oo Isniinta dhici doona, kaas oo barbar socda shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dalalka qorshahan hor boodaya ayaa kala ah: Faransiiska, Britain, Australia, Kanada, Belgium, Luxembourg, Portugal, Malta, Andorra iyo San Marino, waxayna tani ku soo beegmaysaa xilli dowlado kale oo caalami ah sida Spain, Norway iyo Ireland ay hore u shaaciyeen aqoonsiga Falastiin, taas oo sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu taageero xal laba dowladood ah.

Go’aankan Faransiiska iyo xulafadiisu qaateen ayaa loo arkaa mid sii xoojinaya mowqifka Midowga Yurub ee ku aaddan xaqiijinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, waxaana sida laga soo xigtay Madaxtooyada Faransiiska, tallaabadani ay fariin cad u diraysaa Israa’iil oo horey u sheegtay in tallaabada aqoonsigu ay tahay “xariiq cas” oo aysan aqbali doonin.