Dalkii ugu dambeeyay reer-galbeedka oo aqoonsanaya Falastiin
Sheeko:Wararka Caalamka

Portugal ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto dowlad Falastiini ah Axadda, taasoo ka dhigaysa waddankii ugu dambeeyay ee reer galbeedka ee isku diyaarinaya inuu beddelo siyaasadda, maaddaama dagaalka Marinka Qasa aanu muujinayn calaamad ah inuu joogsanayo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warkan sheegtay ka hor shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Faransiiska, UK, Kanada iyo Australia ayaa diyaarinaya tallaabooyin la mid ah.
Israa’iil ayaa cambaareysay tallaabadan, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in “ay abaal-marinayso argagaxisada” kaddib weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023-kii.