Maamulka Israa’iil ayaa marinka Qasa si qasab ah uga barakiciyay ku dhowaad nus malyan qof oo rayid ah, ayadoo hal malyan oo kalena ay ciidamada Israa’iil isku dayayaan inay guryahooda ka saaraan.
Xafiiska Warfaafinta Dowladda ee Qasa ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku qasbeen in ka badan 270,000 oo Falastiiniyiin ah inay ka qaxaan magaalada Qaza, halka ku dhowaad hal milyan oo qof ay weli diidan yihiin inay ka tagaan guryahooda, iyagoo ku adkaysanaya inay ku sii nagaadaan dhulkooda inkasta oo ay socdaan duqeymo culus iyo dagaal joogto ah.
Arrintan ayaa ka tarjumaysa xaaladda bani’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee magaalada Qasa, halkaas oo shacabka Falastiin ay wajahaan duqeymo joogto ah, go’doomin dhanka cuntada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka ah iyo dhibaatooyin kale.




From the comments