U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada New York, si uu uga qeyb galo Kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qaybgalayo kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Safarkan ayaa yimid kaddib markii uu Madaxweynaha Sabtidii ka ambabaxay Muqdisho isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogayo shirka ka jeedin doona khudbad ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya, horumarka dowlad-dhiska, iyo kaalinta cusub ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha caalamiga ah, kaddib markii dhawaan lagu doortay xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa xusay in tani ay tahay guul taariikhi ah oo Soomaaliya u saamaxaysa in codkeeda laga maqlo miiska go’aamada amniga caalamiga.

Qodobada Sanadkan Shirka looga hadlayo

Iskaashiga caalamiga ah iyo UN Reform – Waxaa xoogga lagu saarayaa sidii Qaramada Midoobay loo dhisi lahaa mar kale, iyadoo la dardar gelinayo hufnaanta, isla markaana dib loo qiimeynayo kaalinta hay’adaha caalamiga ah.

Yoolalka Horumarka Waara (SDGs) – Madaxdu waxay falanqeynayaan sidii loo xoojin lahaa fulinta yoolalka 2030, maadaama waqtigu sii yaraanayo.

Caafimaadka iyo caafimaadka maskaxda – Waxaa la qabanayaa kulan heer sare ah oo diiradda lagu saarayo cudurrada aan faafin iyo caafimaadka maskaxda, gaar ahaan ka dib caqabadihii Covid-19.

Jinsiyadda iyo xuquuqda haweenka – Waxaa lagu xusayaa 30 sano guuradii shirkii Beijing, iyadoo la eegayo sida loo dardar gelin karo sinnaanta jinsiga iyo awood-siinta haweenka.

Isbeddelka cimilada iyo tamarta nadiifta ah – Dalalka ayaa ka doodaya qorshayaasha la xiriira yareynta saameynta isbeddelka cimilada iyo kor u qaadista tamarta la cusboonaysiin karo.

Sirdoonka macmalka ah (AI) iyo maamulka dijitaalka – Waxaa bilaabanaya dood caalami ah oo ku saabsan shuruucda iyo maamulka la xiriira horumarka AI.

Nabadgelyada iyo xallinta colaadaha – Arrimaha dagaallada iyo xasaradaha caalamka, gaar ahaan kuwa ka socda qaaradda Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa si qoto dheer loo falanqeynayaa.

Arrimaha Afrika – Afrika waxay xoogga saareysaa dib-u-habeynta nidaamka caalamiga ah, sinnaanta dhaqaale iyo siyaasadeed, iyo ka qeybgalka go’aamada waaweyn ee caalamka.