Dalalka UK, Canada iyo Australia ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay aqoonsadeen madax-bannaanida Dowladda Falastiin, go’aan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo dhiirrigelinaya hindisaha xal laba-dawladood ah.
Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo qaaday si loo helo mustaqbal nabadeed:
“Maanta, si loo soo nooleeyo rajada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, iyo in xal laba-dawladood ah la gaaro, Boqortooyada Ingiriiska waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay Dawladda Falastiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Keir.
Sida ay xeeldheereyaasha qabaan go’aankan ayaa ka dhigan isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah oo London ku yimid, maadaama ay hore ugu adkayd inay qaadato mowqif cad oo noocan ah. Canada iyo Australia oo go’aankooda ku sababeeyay in loo baahan yahay in la xoojiyo cadaaladda iyo xasilloonida gobolka, ayaa ku biiray dadaalkan caalamiga ah.




From the comments