Wararka naga soo gaaraya degmada Gubadley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaas ku dilay darawal ka shaqayn jiray gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in muran ka dhashay lacag dhan hal dollar uu sababay dilka, iyadoo ninka askariga ah uu si xabado ku furay darawalka.
Markii falkaasi dhacay, ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga ee deegaanka ku sugan.




From the comments