Dowladda Soomaaliya oo Dib ugu Soo Celisay Muqdisho 173 Tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga Soo Daayay Xabsiyada Libya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay dalka 173 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya, kadib safar dheer oo khataro badan ay ku galeen iyagoo isku dayayay tahriib iyo marin-biyoodyo sharci-darro ah.
Dadka dib loo soo celiyay ayaa kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.
Soo dhaweynta waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya, oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, hay’adaha socdaalka iyo xubno ka socday qoysaska dhalinyarada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta ku dhibban waddamada shisheeye.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tahriibka oo ah khatar naf iyo maalba leh, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha shaqo-abuurka iyo barnaamijyada dhalinyarada ee gudaha dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey dalka uga soo daadgureysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirmay Libya iyo dalal kale oo ay ka dhacaan tahriibka iyo tacaddiyada la xiriira, iyadoo sheegtay in qorshahaasi uu sii socon doono si loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed.