Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ganaax lacageed ku xukuntay ganacsade Nuuradiin Ibraahim Mubaarak, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira jebinta shuruucda canshuuraha dalka.
Ganacsadahan oo ku howlanaa qalabka dayactirka baabuurta ayaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah uga baalmaray bixinta canshuuraha iyo habraacyada sharciga ah ee ku xeeran caashuuraha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maxkamadda u gudbiyay caddeymo lagu xaqiijiyay eedeynta, waxaana ugu dambeyn maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo waafaqsan xeerarka dalka.




From the comments