U bood dhigaalka

Mareykanka oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu Digay in Midnimo Siyaasadeed La’aanteed Aan Argagixisada Laga Guuleysan karin

Sheeko:War

Lataliyaha sare ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Massad Boulos, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulankaasi si cad loogu sheegay muhiimadda midnimada siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Massad Boulos ayaa sheegay in aan la dagaallami karin argagixisada haddii aanay jirin isku duubni siyaasadeed oo ay wadaagaan dhammaan dhinacyada awoodda dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in taageerada Mareykanka ay ku xirnaan doonto sida ay Soomaaliya u dhammaystirto heshiis siyaasadeed oo mideeya hoggaanka, haddii khilaafkuna uu sii socdana ay taasi caqabad ku noqon doonto iskaashiga labada dal.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu sidoo kale kulan kula yeeshay lataliyaha Mareykanka, kaasoo lagu adkeeyay iskaashi xooggan iyo aragti mideysan oo ku wajahan amniga gobolka iyo horumarinta xiriirka labada dhinac.

Fariinta loo diray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u muujisay in xalka ugu weyn ee Soomaaliya uu yahay heshiis siyaasadeed oo gudaha ah, si loo xaqiijiyo guusha dagaalka ka dhanka ah argagixisada, loona ilaaliyo danaha shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah.