Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay dood furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo looga hadlayay tiknaloojiyadda casriga ah iyo saamaynta ay ku leedahay amniga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in garaadka macmalka ah (AI) uu noqday xaqiiqo casri ah oo si degdeg ah u beddelaysa nolosha, dhaqaalaha, iyo qaababka ammaanka dunida.
Wuxuu sheegay in tiknaloojiyaddan cusub ay fursado waaweyn oo lagu xoojin karo nabadda iyo horumarka, hase yeeshee ay sidoo kale la socoto khataro culus oo u baahan in si mas’uuliyad leh loo wajaho.




From the comments