Waxaa xalay la soo gabagabeeyay dadaallo miro dhalay oo ay hoggaaminayeen Imaamyadda, Ugaasyadda iyo Guddigii Xildhibaannada ahaa, kuwaas oo horseeday is afgarad rasmi ah oo lagu baajiyay bannaanbixii lagu waday inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho.
Madasha Samatabixinta ayaa aqbashay soo jeedinta ka dhalatay dadaalladaas, taas oo sababtay in la joojiyo bannaanbixii, isla markaana dib loo dhigo muddo sagaal maalmood ah si farsamo ahaan looga shaqeeyo goobta, goorta iyo habka uu u dhici doono si nabdoon oo sharciga waafaqsan.
Shir jaraa’id oo xalay si wadajir ah ay u qabteen hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo guddiga xildhibaanada ayaa lagu xaqiijiyay in bannaanbaxu yahay xuquuq dastuuriga ah ee muwaadiniinta, balse loo baahan yahay in lagu qabto si nabad ah oo ay dowladda amnigeeda sugayso.




From the comments