Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay casho sharaf heer sare ah oo uu martigeliyay Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump, taas oo lagu maamuusay madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa Meertada 80-aad ee Fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.
Cashadan sharafka ah ayaa ahayd mid lagu muujinayay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, iyadoo lagu dhiirrigelinayay wada-shaqeynta caalamiga ah ee ku saleysan nabad, horumar iyo la dagaallanka caqabadaha dunida ka jira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankaasi ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Mareykanka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo dib u dhiska hay’adaha dawliga ah.




From the comments