Dekedaha Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku faraxday in dekedda Muqdisho lagu daray dekedaha ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika, sida lagu sheegay warbixinta halbeegga caalamiga ah ee CPPI (Container Port Performance Index) oo ay si wadajir ah u soo saareen Bangiga Adduunka iyo hay’ad xog-ururin caalami ah.
Sida lagu xusay warbixinta CPPI ee la shaaciyay 24-kii Sebteembar, ayaa lagu qiimeeyay 407 dekedood oo caalamka ku yaalla, waxaana dekedda Muqdisho ay gashay kaalinta 163-aad, taas oo ka dhigaysa dekedda ugu horreysa Bariga Afrika ee lagu daro liiska waxqabadka wanaagsan. Sidoo kale, Dekedda Berbera ayaa gashay kaalinta 243-aad caalamka, taas oo muujinaysa horumar weyn oo la taaban karo oo laga sameeyay dekedaha gobolka.
Horumarka iyo dadaalka Dowladda
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in natiijadan ay ka dhalatay dadaal joogto ah oo lagu horumarinayo adeegyada dekedaha, maamulka, iyo tayada shaqo ee la xiriirta howlaha ganacsiga badda. Dowladda Federaalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa iska kaashaday sidii dekedaha loo beddeli lahaa kuwo bixiya adeegyo casri ah oo tartan la geli kara dekedaha caalamka.
Dekedda Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay sameysay isbeddel muuqda oo dhinaca adeegyada ah, iyadoo lagu sameeyay ballaarin iyo casriyeyn la taaban karo, gaar ahaan dhismaha terminal-ka cusub iyo adeegyada rarka iyo dejinta ee loo adeegsanayo tignoolajiyada casriga ah.
Isbarbardhig iyo kaalinta qaaradda
Warbixinta ayaa muujisay in dekedda Muqdisho ay ka mid noqotay shanta dekedood ee ugu waxqabadka wanaagsan Afrika, iyadoo la tartamaysa dekedaha caanka ah ee qaaradda sida:
Dekedda Said (Masar)
Dekedda Tangar (Marooko)
Dekedda Dakar (Siniigaal)
Dekedda Toamasina (Madagaskar)