U bood dhigaalka

Maxay tahay tillaabada ay ku dhici waayeen madaxda Islaamku ee uu qaaday Madaxweynaha Colombia?

Madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro, ayaa ka yaabsaday Mareykanka iyo xulafadiisa, ka dib markii uu magaalada Newyork uga qeyb-galay dibed-bax xooggan oo lagu dalbanayay in la soo afjaro dagaalka marinka Qasa, islamarkaana si weyn loogu dhaleecaynayay falalka guracan ee Israa’iil.

Petro oo xiran cimaamadda cas ee Falastiiniyiintu caanka ku yihiin ayaa fagaaraha bannaan-baxa ka jeediyay khudbad uu si weyn ugu weeraray Israa’iil iyo maamulka Trump, asagoo ciidamada Mareykanka ugu baaqay in aysan qaadan amarrada Trump, islamarkaana aysan hubkooda u adeegsan dadka rayidka ah.

Wuxuu intaa ku daray in markuu dalkiisa ku noqdo uu billaabi doono qoris ciidamo loogu talo-galay xoraynta Falastiin, asagoo sheegay in xittaa asagu uu diyaar u yahay inuu dagaallamo, si meesha looga saaro xadgudubyada ku socda dadka reer Qasa.

Maamulka Trump ayaa si weyn uga carooday tillaabooyinka uu qaaday Petro,  ayadoo jawaabta Washington ay noqatay in waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanku ay ku dhawaaqday in visa dal ku galka ay kala noqatay Madaxweynaha Colombia, ayadoo sheegtay inuu ku kacay falal halis leh oo kicin kara rabshado.

Dhacdooyinkan ayaa sababay in Petro uu noqdo hoggaamiye si weyn looga hadal-hayo gudaha Mareykanka iyo guud ahaan dunida, ayadoo balaayiin qof oo ka soo horjeeda Xasuuqa Qasa ay hadalkiisa si weyn u taageereen, halka Israa’iil iyo Mareykankuna ay ka caroodeen.

Si kastaba ha ahaatee Gustavo  Petro wuxuu muujiyay tillaabooyin geesinnimo leh oo ay ku dhiirran waayeen madaxda in ka badan 52 dal oo dunida Muslimiinka ah iyo 22 dal oo carbeed, kuwaas Falastiin dhalasho iyo diinba la wadaaga, qaarkoodna ay Colombia awood ciidan iyo mid dhaqaaleba uga sarreeyaan.