U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Malaayiinta is diiwaangelisay waa caddeyn muujinaysa rabitaanka shacabka ee doorasho qof iyo cod ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyayfuritaanka kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo si adag uga hadlay qorshaha dalka ee ku aaddan doorashada qof iyo cod, taas oo uu sheegay inay tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dadka diidan qabashada doorasho qof iyo cod ah ay indhahooda ku arki doonaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee doonaya in ay codeeyaan, isagoo tusaale u soo qaatay tirada dadka is diiwaangeliyay.

“Haddii ay jiraan kuwa diidan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, waxaa caddeyn u noqon doonta malaayiinta qof ee is diiwaan geliyay, kuwaas oo muujinaya rabitaankooda ah in ay codkooda dhiibtaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in is diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin doorasho toos ah oo dimuqraadi ah, taas oo ka fog nidaamyadii hore ee ku saleysnaa awood qeybsiga iyo xulashada ergooyinka.

“Shacabkeenna wuxuu diyaar u yahay codkiisa, wuxuuna doonayaa inuu doorashada si toos ah uga qeyb galo. Ma jirto cid awood u leh inay joojiso rabitaanka shacabka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la mideeyo dadaallada siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo doorashooyin xor ah oo caddaalad ah, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay qayb ka tahay himilada dowladnimo dhameystiraniyodib-u-soo celinta kalsoonida shacabka.