Madaxweyne Xasan Sheekh” Soomaaliya waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee laga dhisayo Space port”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo si gaar ah uga hadlay qorshaha lagu dhisayo goobta laga bilaabayo duullimaadyada dayax-gacmeedyada (Space Launch Facility) ee Soomaaliya, oo noqon doonta tii ugu horreysay ee Afrika laga hirgeliyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mashruucan uu ka dhashay iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, isla markaana uu astaan u yahay xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal.
“Soomaaliya waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika laga hirgelin doono xarun lagu bilaabo dayax-gacmeedyo.” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Mashruucan oo ay maamuli doonto Hay’adda Caalamiga ee Cirka ee Turkiga (TUA), ayaa lagu wadaa in laga dhiso xeebta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya, isagoo ku fidi doona dhul dhan 900 kiiloomitir laba jibbaaran. Sida ay warbaahinta Turkiga sheegtay, xaruntan waxaa lagu dhisi doonaa laba sano gudahood, iyadoo tartanka dhismaheeda la furi doono toddobaadyada soo socda.
Warbixinno kale oo ay faafiyeen warbaahinta dowladda taageerta ee Turkiga ayaa tilmaamay in goobtan cusub sidoo kale loo isticmaali doono tijaabinta gantaallada , kuwaas oo ay hore u horumarisay shirkadda qaranka ee difaaca Turkiga, Roketsan.
Mid ka mid ah hubka la qorsheynayo in lagu tijaabiyo Soomaaliya waa gantaalka Tayfun, oo ah gantaalka ugu fog ee Turkigu farsameeyay, kaas oo hore u gaaray masaafo dhan 561 kiiloomitir sanadkii 2022, isla markaana la filayo in la gaarsiiyo in ka badan 1,000 kiiloomitir.
Mashruucan ayaa qayb ka ah Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay labada dowladood kala saxiixdeen Febraayo 2024, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu markii ugu horreysay ku dhawaaqay qorshahan bishii Diseembar ee isla sanadkaas.
Qiimaha guud ee mashruuca ayaa lagu qiyaasay in uu gaarayo $350 milyan, inkastoo qiime hore lagu sheegay inuu gaari karo $6 bilyan, waxaana la filayaa in maalgelintiisa ay qeyb ka qaataan dowlado kale sida Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay mashruucan “mid kor u qaadaya sumcadda Soomaaliya” iyo “tallaabo horay loogu qaaday xoojinta iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya” ee dhinacyada cilmiga, tiknoolajiyadda iyo difaaca.