Nin dhalinyaro oo Soomaali ah oo kunool Mareykanka oo qirtay in uu ku biiri rabay Kooxda Daacish

Abdisatar Axmed Xasan, oo 23 jir ah kuna dhashay Soomaaliya balse noqday muwaadin Mareykan ah, ayaa maxkamad ku taalla magaalada St. Paul ka qirtay inuu isku dayay inuu taageero iyo agab siiyo ururka argagixisada ah ee Daacish (ISIS).
Hassan ayaa isbeddel ku sameeyay hadalkiisii hore isagoo maanta hortagay Garsoore Donovan Frank, kuna sheegay inuu qirayo dambigiisa la xiriira isku daygiisa inuu ku biiro ururka Daacish.
Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha, Abdisatar ayaa bishii December laba jeer isku dayay inuu ka duulo Minnesota si uu u tago Soomaaliya una biiro kooxda Daacish, balse labada jeerba waa wuu ku fashilmay. Mar uu rabay inuu raaco duulimaadkii koowaad ayaa laga diiday inuu raaco diyaaradda maadaama uusan haysan dukumentiyo sax ah. Markii labaadna wuxuu seegay duulimaadkii kadib markii saraakiisha federaalku ay su’aalo weydiiyeen.
Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay in ay horey u heshay xog muujineysa in Hassan uu baraha bulshada ku taageerayay kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, taasoo sababtay in lagu haayo kormeer joogto ah.
Maalin ka hor intii aan la xirin, FBI-da ayaa sheegtay in ay arkeen Hassan oo wata calanka Daacish isagoo wadada ku dhex maraya. Sidoo kale, warbixin hore oo maxkamadeed ayaa sheegtay inuu baraha bulshada ku ammaanay weerar dhacay 1-da Janaayo ee Bourbon Street, New Orleans, halkaas oo nin wata gaari iyo calanka Daacish uu ku dilay 14 qof.
Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota, Joe Thompson, ayaa sheegay in dowladda aysan u dulqaadan doonin qof kasta oo taageera kooxaha argagixisada.
“Hassan wuxuu taageeray weerarro lagu qaaday dad Mareykan ah, wuxuuna xitaa watay calanka Daacish. Ma jirto meel qalad loogu dulqaadan karo marka la joogo arrimaha argagixisada. Minnesota ma noqon doonto meel ay argagixisadu ku badbaadaan,” ayuu yiri.
Hassan ayaa haatan ku jira xabsi federaal ah, waxaana wali la sugayaa taariikhda xukunkiisa. Inkasta oo sharcigu dhigayo in lagu xukumi karo ugu badnaan 15 sano oo xarig ah, haddana heshiiska qirashada dambiga ayaa u suurtagelin kara inuu helo ciqaab ka hooseysa.
Toddobaadkii hore, nin kale oo u dhashay gobolka New York oo lagu helay inuu qorsheynayay weerar uu ku taageerayo Daacish ayaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah.