U bood dhigaalka

Trump iyo Netanyahu ma waxay ku heshiiyeen qorshe nabadeed oo Gaza ka hirgelaya?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay ku dhowyihiin inay gaaraan heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ka socda marinka Gaza, kaddib kulan ay ku yeesheen Aqalka Cad.

“Ugu yaraan, waxaan aad ugu dhownahay, haa si aad ah ayaan ugu dhownahay,” ayuu yiri Trump mar uu la hadlayey saxaafadda xilli uu shir jaraa’id la qabtay Netanyahu.

Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo 20-qodob ka kooban, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo in lagu sii daayo maxaabiista Israa’iil ee weli lagu hayo dhulka Falastiiniyiinta.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa u sheegay shabakadda Al Jazeera in kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas ay hadda si qoto dheer u falanqaynayaan qorshaha Trump.

Qodobbada ugu Muhiimsan ee qorshaha

Trump ayaa shir jaraa’idka ku furay hadal ay ka muuqatay yididiilo weyn:
“Mahadsanidiin dhammaantiin, maanta waa maalin weyn, maalin qurux badan, waxaana laga yaabaa in ay noqoto mid ka mid ah maalmaha ugu waaweyn ee taariikhda bini’aadamka,” ayuu yiri Trump.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Gaza waa hal meel, laakiin arrintu waa mid ka weyn Gaza, waa heshiis ballaaran, wax walba oo la xallinayo, waxaa la yiraahdaa nabadda Bariga Dhexe”.

Trump ayaa sheegay in kulankooda uu la yeeshay Netanyahu uu diiradda saaray arrimo ay ka mid yihiin: Iran, ganacsiga, ballaarinta Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), iyo sida loo soo afjari karo dagaalka Gaza.

Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Netanyahu iyo hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga Dhexe, Turkiye, Indonesia, Pakistan, iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Qorshaha Trump ee Nabadda Gaza

Trump ayaa si rasmi ah u soo bandhigay qorshihiisa, isagoo sheegay in dalal badan ay gacan ka geysteen diyaarintiisa.
“Galabnimadan, kaddib wadatashiyo ballaaran oo aan la yeelanay asxaabteena iyo la-hawlgalayaasheena gobolka, waxaan si rasmi ah u soo bandhigayaa mabda’aheena nabadda, kuwaas oo dad badan ay runtii jeclaadeen,” ayuu yiri.

Qodobbada muhiimka ah ee qorshaha waxaa ka mid ah:

Sida uu sheegay Trump dalalka Carabta iyo Muslimiinta ah ayaa oggolaaday, qaarkoodna si rasmi ah ayey u saxiixeen in Gaza lagu sameeyo hub ka dhigis degdeg ah.

Sidoo kale In la burburiyo awoodaha milatari ee Xamaas iyo dhammaan ururada kale ee hubeysan, ayaa kamid ah qorshaha.

Dalalka gobolka ayaa loo xil saaray la tacaalidda Xamaas.
“Waxaan maqlayaa in Xamaas-na ay dooneyso in arrintan la dhameeyo. Taasi waa wax wanaagsan,” ayuu Trump yiri.

Inkasta oo faahfaahinta qaar ee qorshaha aan si buuxda loo shaacin, haddana waxaa muuqata in Maraykanku uu isku dayayo in uu dib u hoggaamiyo dadaallada nabadeed ee gobolka.

Waxaa la sugayaa jawaabta rasmiga ah ee Xamaas iyo falcelinta dalalka gobolka, si loo ogaado in qorshahan uu dhab ahaantii horseedi karo nabad waarta oo ka hirgasha Gaza iyo guud ahaan Bariga Dhexe.