U bood dhigaalka

Maamulka Waqooyi Bari oo ka hadlay diidmada Somaliland iyo Puntland ee maamulkooda

Sheeko:War

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi-Bari Soomaaliya (WBS), Dr. Aadan Cabdullaahi, ayaa maanta sheegay in cid kasta oo reer Sanaag ah oo weli ku adkeysanaysa taageerada maamulka Waqooyi-bari ay dhab ahaan u garab taagan yihiin nabadda iyo wada noolaanshaha gobolka.

Dr. Aadan ayaa hadalkiisa ku sheegay in maamulka Waqooyi-bari uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan dhinacyada Puntland iyo Somaliland haddii ay diyaar u yihiin in nabad iyo wadajir lagu noolaado. “Haddii ay nabad naguula noolaanayaan, waan soo dhowaynaynaa. Haddii ay diidaanna jiritaankeena waa laga qurux badanyahay,” ayuu yiri.

Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in maamulka WBS uu ku taagan yahay mabda’a ah wadajir iyo aqoonsi wada ogol, balse uusan aqbali doonin cid diida jiritaanka maamulka ama isku dayda inay hoos u dhigto codka dadka deegaanka.

Hadalka Dr. Aadan ayaa imaanaya xilli ay weli jiraan dooddo siyaasadeed iyo is faham la’aan ka taagan mustaqbalka maamulka Waqooyi-bari iyo xiriirka uu la leeyahay labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland.