U bood dhigaalka

Colombia oo Ceyrisay Diblumaasiyiinta Israa’iil, iyadoo ka jawaabaysa Cunaqabataynta Qasa

Dowladda Colombia ayaa si rasmi ah dalkeeda uga cayrisay dhammaan diblumaasiyiinta Israa’iil, iyada oo si adag uga falcelisay cunaqabataynta iyo weerarrada Israa’iil ku hayso marinka Qasa iyo afduubka doonyaha sida gargaar bini’aadantinimo ee loo waday shacabka Falastiin.

Go’aankan waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, oo sheegay in tallaabadani ay tahay jawaab cad oo ka dhan ah xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil ka wado Qasa, isagoo hoosta ka xarriiqay in dowladda Colombia aysan indhaha ka laaban doonin waxa uu ku tilmaamay gumaad iyo go’doomin sharci-darro ah oo lagula kacayo shacabka reer Falastiin.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah siyaasadda Israa’iil ay ka billowdeen magaalooyin badan oo ku yaalla dalalka Yurub, halkaas oo kumannaan qof ay cod dheer ugu dalbanayaan in la joojiyo dagaalka ka socda Qasa oo sanadkii 3-aad galay.

Sidoo kale waxaa socda dhaqdhaqaaqyo gargaar oo ay hormuud u yihiin xildhibaanno ka kala socda dalalka Turkey, Talyaaniga, iyo kuwo kale iyo boqolaal qof oo sama-falayaal ah, kuwaas oo saaran maraakiib gargaar wadda sida raashin, dawo iyo sahay kale oo bini’aadantinimo, kuwaas oo ku sii jeeda xeebaha Qasa.

Dhanka kalena, dhowaan ayay ahayd markii dalal badan oo reer Yurub ah iyo kuwo ameerikaan iyo reer bariba isugu jira oo ay ka mid yihiin Ireland, Spain iyo Norway, Faransiiska, UK, Canada iyo qaar kale ay si rasmi ah u aqoonsadeen dowladnimada Falastiin, taasoo calaamad u noqotay isbeddel weyn oo ku yimid mowqifka caalamiga ah ee ku wajahan arrinta Falastiin iyo Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Tel Aviv ayaa weli u muuqda mid iska indha tiraya cadaadiska caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo xukuumaddiisa ayaana ku adkeysanaya in ay sii wadi doonaan howl-galadooda militari, iyaga oo mar kasta xalka ku raadinaya xoog iyo qori caaradiis.