Dowladda Soomaaliya oo Bilowday Barnaamij Lagu Mideynayo Aadaanka iyo Qudbadaha Jimcaha Dalka Oo Dhan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe ballaaran oo lagu mideynayo aadaanka masaajidda iyo qudbadaha Jimcaha guud ahaan dalka, si loo abuuro isku-duubni iyo nidaam mideysan oo diimeed.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegtay in barnaamijkan uu ka bilaabanayo gobolka Banaadir, ka hor inta aan loo fidin gobollada kale ee dalka.
Tallaabada ugu horreysa ayaa ah diiwaangelinta masaajidda iyo isku-dubbaridka waqtiga aadaanka, si mar keliya loo yeedho.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Ibraahim Aadan Ibraahim, ayaa sheegay in qorshahani uu muujinayo sida dowladda uga go’an tahay “in la mideeyo dhaqamada diinta islaamka” iyo in kor loo qaado tayada hoggaaminta diinta.
Waxa kale oo uu xusay in mashruucu uu diiradda saarayo mideynta mowduucyada qudbadaha iyo tababarrada mu’adiniinta iyo imaamyada, si fariimaha laga jeediyo mimbaradu ay u noqdaan kuwo cad, isku mid ah, oo bulshada wax taraya.
Dowladdu waxay ku doodeysaa in mideynta aadaanka iyo qudbadaha ay ka caawin doonto bulshada in la helo hal fariin oo diimeed, taas oo yarayn karta khilaafaadka iyo fahamka kala duwan ee laga dhaxlo tafsiirrada kala duwan ee diinta.
Sidoo kale, waxay tilmaantay in tallaabadani ay ka hortagayso in masaajidda loo adeegsado ujeeddooyin siyaasadeed ama xagjirnimo.