Madaxweynaha Colombia oo digniin culus u diray Mareykanka iyo reer Galbeedka

Madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro ayaa si adag uga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Qaza, isaga oo si gaar ah fariin ugu diray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo dhowaan soo bandhigay qorshe uu ku sheegay in lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe.
Petro ayaa sheegay in aanay jirin wax qorshe nabadeed ah oo dhab ah oo laga hadli karo, inta cuntada iyo gargaarka aasaasiga ah aan si buuxda loo gaarsiin shacabka ku go’doonsan Qaza. “Trump waa inuu fahmaa in aanay jirin wax nabad ah oo dhismi kara ilaa cuntadu gaarto Gaza,” ayuu yiri Petro, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrinta bani’aadantinimo ka horrayso siyaasadda.
Madaxweynaha Colombia ayaa sidoo kale dhaliil culus u jeediyey Maraykanka iyo Midowga Yurub, isaga oo ku eedeeyay inay halis ugu jiraan inay lumiyaan qiyamka xorriyadda iyo dimuqraadiyadda ee ay ku faani jireen, haddii ay oggolaadaan in dadka caadiga ah lagu xiro oo lagu ciqaabo keliya inay doonayaan inay cunto gaarsiiyaan dadka gaajaysan ee Falastiin.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu caalamka ku sii kordhayo cadaadiska xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Qaza, halkaas oo malaayiin qof ay wajahaan gaajo iyo cudur, iyadoo gargaarka caalamiga ah uu u xaniban yahay go’doominta Israa’iil.