Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday Godka Jilicow oo ku yaalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, goobtaas oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Goobjoogayaal ku sugan agagaarka ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax xooggan, kaddibna ay rasaas isdhaafsadeen ciidamada ammaanka iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
Qaraxa ayaa dhacay saacado kooban kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay sugtay amniga caasimadda, isla markaana ay qaaday jidgooyooyin amniga lagu xaqiijinayey oo ku yaallay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.




From the comments