Trump oo Israa’iil ugu baaqay inay degdeg u joojiso duqeynta Qasa

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo hadlayay dagaalka ka socda Marinka Gaza, ayaa sheegay in jawaabtii ugu dambeysay ee Xamaas ay muujinayso in ay diyaar u tahay in la gaaro heshiis nabadeed oo waara.
Trump ayaa ku baaqay in Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso duqeynta Gaza, isagoo sheegay in tallaabadaas ay muhiim u tahay in lasoo furto dadka la heystayaasha ah.
“Xamaas waxay muujisay in ay diyaar u tahay nabad joogto ah, waxaana muhiim ah in Israa’iil ay hakiso weerarrada si loo helo waddo lagu soo saaro la haystayaasha,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay saacado ka hor.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dagaalka Gaza uu sii xoogeysanayo, isla markaana beesha caalamku ay sii kordhisay baaqa ku aaddan xabbad-joojinta iyo in gargaar bini’aadanimo si nabad ah loo gaarsiiyo shacabka ku go’doonsan Gaza.