U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhoweeyay Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland, safarkiisii ugu horreeyay muddo ka badan hal sano ah. Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa ahayd mid si heer sare ah loo abaabulay, iyadoo kumannaan qof iyo masuuliyiin sare ay isugu soo baxeen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo si ay u muujiyaan taageeradooda iyo kalgacalkooda.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), wasiirro ka tirsan maamulkaas, saraakiil ciidan, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada ayaa lagu arkayay boorar waaweyn oo lagu xardhay sawirka Madaxweynaha iyo erayo soo dhoweyn ah sida “Ku Soo Dhawoow Kismaayo Madaxweyne Xasan Sheekh,” taas oo muujineysa isbeddel iyo jawi siyaasadeed oo cusub.

Safarka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dib u soo hagaagay xiriirka Villa Soomaaliya iyo Jubbaland, kaddib khilaaf siyaasadeed iyo isfahan la’aan soo jiitamayay. Warar hoose ayaa sheegaya in wada-hadallo ay fududeeyeen dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ay horseedeen in labada dhinac ay dib u bilaabaan wada-shaqeyn buuxda.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeelan doona madaxda Jubbaland si looga wada hadlo arrimo ay ka mid yihiin amniga, federaaleynta ciidamada, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu Kismaayo ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu kaga hadli doono muhiimadda midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhisidda, isaga oo carabka ku adkeyn doona in dowladda dhexe iyo Jubbaland ay yihiin hal qaran oo wadaagaya masiirka shacabka Soomaaliyeed.

Safarkan ayaa loo arkaa mid calaamad u ah bog cusub oo furmaya xiriirka dowladda dhexe iyo Jubbaland, taas oo ka dhigan horumar siyaasadeed oo muhiim u ah dowlad-dhisidda federaalka Soomaaliya.