Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdigiisii oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Kismaayo, ayaa maanta soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee wadahadallo muhiim ah oo ay la lahaayeen madaxda iyo maamulka Dowlad Goboleedka Jubaland.
Wadahadalladan ayaa lagu tilmaamay kuwo horumar weyn laga gaaray, iyadoo dhinacyadu isku afgarteen in wadatashiyada ay sii socdaan, lana abuuro hannaan joogto ah oo lagu sii ambaqaado geeddi-socodka wada hadalka, si loo gaaro isfaham buuxa iyo wada shaqeyn miro dhal ah sida ay shaacisay Madaxtooyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Jubaland soo dhaweyntii diirraneyd ee ay u sameeyeen wafdiga dowladda federaalka.




From the comments