Dagaalka Qasa oo labo sano u buuxsantahay iyo Xaaladda bini’aadantinimo ee haatan taagan

Maanta oo kale 7-dii sanadkii 2023 oo haatan laga joogaa laba sano, waxay ahayd markii uu qarxay dagaalkii Qasa ee u dhexeeyay Israel iyo ururka Xamaas, wuxuuna dagaalkana si weyn u beddelay xaaladda gobolka Bariga Dhexe iyo nolosha malaayiin Falastiiniyiin ah.
Weerarkii uu ururka Xamaas qaaday 7-dii October 2023, oo loogu magac daray “ Duufaanta Al-Aqsa”, ayaa ahaa mid si lama filaan ah u dhacay, isla markaana sababay khasaare culus iyo burbur weyn oo dhinacyo badan leh, markii la eego gudaha Israa’iil.
Weerarkaas kadib, maamulka Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeymo cirka, iyo weerar dhulka iyo badda ah, kuwaas oo ku sii fiday dhammaan dhulka Qasa, taas oo bilowday dagaal socday laba sano oo aan weli dhamaan.
Muddo labo sano ah dagaalkaasi uu socday Israa’iil waxay ku doodaysay in ujeeddadeedu tahay inay burburiso awoodda Xamaas, halka kooxda Xamaas ay sheegtay inay difaacayso shacabka Falastiin iyo dhulkooda.
Inkasta oo ay jireen dadaallo caalami ah oo lagu doonayay in la helo xabbad-joojin iyo wada-hadal nabadeed, haddana duqeymaha iyo weerarrada dhulka ayaa weli socda, waxaana xaaladdu wali tahay mid aad u murugsan.
Dhibaatada bani’aadantinimo ee ka taagan Qasa ayaa gaartay heer aan hore loo arag. Sida ay sheegayaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caafimaadka caalamiga ah, in ka badan 67,000 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka, halka ku dhawaad 170,000 kalena ay ku dhaawacmeen, boqollaal kun oo qof ayaa ayaguna barakacayaal noqday, iyagoo ka cararay duqeymo joogto ah iyo burburka guryahooda.
Adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, biyaha, korontada iyo waxbarashada ayaa gebi ahaanba burburay oo meesha ka haxay, ayadoo goobaha caafimaadka ee haray aysan ku filnayn la tacaalidda iyo daawaynta kumannaan qof oo dhaawacyo halis ah qaba, halka biyo la’aanta iyo gaajaduna ay noqdeen khatar nololeed oo joogto ah.
Dhinaca siyaasadda, dhowr dal ayaa labadii sano ee la soo dhaafay si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin, taas oo kor u qaaday taageerada caalamiga ah ee lagu doonayo in la helo xal siyaasadeed oo waara.
In ka badan 140 dal ayaa haatan aqoonsaday Falastiin, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in aqoonsigaas loo beddelo mid midaysan oo ka hirgala guud ahaan Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ayaa wiiqaya dadaalladaas, Israa’iilna waxay weli sii waddaa duqeymaha iyo howlgalada dhulka, ayadoo marinka Qasa ka mamnuucday in xittaa la geeyo was gargaar bini’aadantinimo ah, taas oo horseeday in kumannaan qof ay gaajo iyo daryeel la’aan caafimaad u dhintaan.