U bood dhigaalka

Nuxurka Shirweynaha EACCON 2025

Sheeko:War


Muqdisho ayaa martigelinaysa Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025) oo soconaya 7–8 Oktoobar 2025, Shirka oo Soomaaliya ay martigelinayso sanadkii labaad tan iyo markii ay xubin buuxda ka noqotay Ururka EAC, ayaa diiradda saaraya kobcinta iyo horumarinta wax-soo-saarka waddamada gobolka.

Waxaa iskakaashanaya Dowladda iyo Bulshada

Guddoomiyaha Shirka Waa Dr Maxamed Maxamuud ahna Guddoomiyaha jaamacado Ummadda.

Waxaa wadajir u soo qaban qaabiyay, Jaamacadaha Ummadda, SIMAD, Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Waxbarashada iyo Beeraha, waxaa kale oo qaban qaabada qeyb ka ah Xogheynta guud ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.

Shirka waxaa ka qaybgalaya madaxda Dalka ugu Sareysa oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyaddan Madaxda dalalka xubnaha ka ah EAC, wasiirro, ganacsato, hay’adaha maalgashiga, iyo daneeyayaasha horumarinta.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn waa in la xoojiyo iskaashiga warshadaha, beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo hal-abuurka, si loo dardargeliyo isku-xirka dhaqaale ee gobolka.

Warbaahinta waxaa lagu boorrinayaa in ay diiradda saarto fariimaha “Iskaashi Dhaqaale oo Horseeda Koboc iyo Shaqo-abuur”, iyo kaalinta Soomaaliya ee isku xirka suuqyada Bariga Afrika iyadoo la muujinayo fursadaha maalgashi, dhoofin iyo horumarinta ganacsiga gudaha.