WAR DEGDEG AH: Dib u dhac ku yimid bannaanbixii lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho
Sheeko:War

Bannaanbixii la filayay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho maalinta berri ah ayaa mar kale dib loo dhigay, kaddib markii Dowladda Federaalka iyo Madasha Samata Bixinta ay ku heshiiyeen in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeeya amniga iyo sidii si nabad ah loogu qaban lahaa bannaanbaxa.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib shir xasaasi ah oo caawa ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska, iyo xubno ka tirsan Madasha Samata Bixinta, oo ay ku jireen Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Labada dhinac ayaa sheegay in ay doonayaan in la hubiyo in bannaanbaxa uu u dhaco si nabad ah oo aan khalkhal galin amniga caasimadda.