Wararka saaka ka imaanaya Bariga gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen rug ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen deegaanka Xuseen-Geele.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xilli habeenimo ah, isla markaana uu sababay iska hor imaad culus oo dhexmaray ciidamada booliska iyo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.
Ilo amni ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaadka ay ka careysnaayeen amar dhawaan kasoo baxay maamulka Galmudug, kaas oo lagu mamnuucay jarista dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka — arrin muddooyinkan danbe kicisay xiisado la xiriira ilaalinta deegaanka iyo dhaqaalaha ka dhasha dhuxusha.




From the comments