Galmudug oo Toogasho ku Fulisay Nuur Xirsi Warsame oo Dil Horay uga Geystay Deegaan Hoos Taga Guriceel

Maamulka Galmudug ayaa maanta xukunkan ciqaabta ah ku fuliyay Nuur Xirsi Warsame, oo horay loogu helay dambiga dilka Axmedwali Maxamed Salaad, kaas oo ka dhacay deegaan hoos taga magaalada Guriceel.
Toogashada ayaa lagu fuliyay goob fagaare ah, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada, maamulka deegaanka iyo ciidamada amniga.
Maxkamadda ayaa horey u xukuntay Nuur Xirsi Warsame, kaddib markii lagu helay inuu si ula kac ah u dilay marxuumka Axmedwali Maxamed Salaad, Allaha u naxariistee.
Mas’uuliyiinta fulinta xukunka ayaa sheegay in tallaabadan ay fariin adag u tahay cid kasta oo ku dhiirata dambiyada dilka, iyagoo xusay in maamulka Galmudug uu ka go’an yahay in cadaaladda la horkeeno cid kasta oo dambigaas gala, si loo yareeyo dambiyada ka dhanka ah nafta iyo amniga bulshada.
Ehelada marxuumka Axmedwali Maxamed Salaad ayaa iyaguna ka mahadceliyay fulinta xukunka, iyagoo sheegay inay tani tahay cadaalad ay muddo sugayeen.