U bood dhigaalka

Joojinta colaadda Qasa oo heshiis laga gaaray iyo Xamaas oo soo saartay war farxad leh

Ka dib wada-hadallo toos ah oo magaalada Sharma shiikh ee dalka Masar ku dhex maray Israa’iil iyo Xamaas oo ay dhexdhexaadiyaan Mareykanka iyo dalal kale oo ay ku jiraan Masar, Turkiga iyo Qatar waxaa la shaaciyay is afgarad hordhac ah.

laba sano oo dagaal lagu hoobtay uu ka socday marinka Qasa  ka dib ururka Xamaas ayaa sheegay in la gaaray heshiis heshiis dagaal-joojin ah, kaddib wada-hadallo adagi ay dhinacyada  ku dhex mareen magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar.

Wada-hadalladan ayaa qeyb ka ah qorshe uu soo jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo u gogol xaareysa in la joojiyo dagaalka iyo in la furo waddooyin bani’aadantinimo.

Ururka Xamaas ayaa soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku xaqiijiyeen in la gaaray heshiis ku saabsan joojinta dagaalka ka socda Qasa, iyagoo sheegay in wada-hadalladu ahaayeen kuwo “dhab ah oo masuuliyad leh”.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska lagu sheegay waxaa ka mid ah in ciidamada Israa’iil ay gabi ahaanba ka baxaan marinka Qasa, in la oggolaado gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo, iyo in la fuliyo is-weydaarsi maxaabiis si loo soo afjaro dagaalka lagu hayo shacabka Falastiin.

Israa’iil dhankeedu ma xaqiijin inay heshiis si dhab ah u qaadatay, lamana ogga sida uu u dhaqan galayo is afgaradkani, ayadoo Israa’iil aysan xaqiijin hadafkeedii ahaa in Xamaas ay hubka wareejiso.