Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si cad uga digay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uusan ka bixin heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka ka socda Qasa, isagoo sheegay in Israa’iil aysan awoodin inay la dagaallanto dunida oo dhan.
Trump, oo wareysi siiyay telefishinka Fox News kadib markii uu lagu dhawaaqay heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Qasa, ayaa sheegay inuu Netanyahu u diray fariin cad oo uu ku sheegay in waqtigu ku habboon yahay in la joojiyo colaadda oo la bilaabo wajiga nabadda.
“Waxaan u sheegay Netanyahu in Israa’iil aysan karin inay la dagaallanto adduunka oo dhan. Waa in dagaalka la joojiyaa, waana waqtigii Israa’iil mar kale jacayl iyo taageero ka kasban lahayd caalamka,” ayuu Trump yiri.




From the comments