Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si toos ah uga qeyb qaadan doono dadaallada lagu kormeerayo fulinta heshiiska joojinta dagaalka ee Qaza, kaas oo dhawaan la saxiixay si loo soo afjaro dagaalka muddada dheer socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas.
Erdoğan ayaa sheegay in marka heshiiska la saxiixo, Israa’iil laga doonayo inay si degdeg ah u joojiso weerarrada militari, isla markaana ay dib uga gurato xuduudaha lagu heshiiyay.
Wuxuu intaas ku daray in Turkiga uu si dhow ula socon doono sida loo fuliyo dhammaan qodobada heshiiska, si looga hortago in dib loogu laabto colaadda.




From the comments