U bood dhigaalka

WAR DEGDEG AH: María Corina Machado oo ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda Adduunka 2025

Sheeko:War

Guddiga Billadda Nobel ee Norway ayaa ku dhawaaqay in María Corina Machado, oo ah siyaasiyad iyo halgame u ololeysa dimuqraadiyadeynta dalka Venezuela, ay ku guuleysatay Abaalmarinta Nabadda Adduunka ee sannadka 2025.

Machado ayaa lagu ammaanay “hawsha adag iyo geesinimada ay ku wajahday maamul cadow ku ah xorriyadda rayidka iyo doorashooyinka xorta ah,” sida lagu sheegay war-saxaafadeedka guddiga Nobel.

Waxay muddo sannado ah ahayd codka ugu cad ee mucaaradka Venezuela, iyada oo si nabadeed u hogaamineysay olole lagu doonayo in dalkaasi dib ugu laabto nidaam dimoqraadi ah.

Abaalmarintan ayaa la bixiyaa sannad kasta iyadoo lagu xuso shaqsiyaad ama hay’ado gacan ka geysta nabadda iyo isu soo dhawaanta quruumaha. Waxaa la bilaabay Abaalmarinta Nabadda Nobel sanadkii 1901, waxaana abuuray saynisyahankii iyo maalqabeenkii reer Iswiidhan ee Alfred Nobel, kaas oo doonayay in hantidiisa lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo horumarka aadanaha.

Sannadkan, guddiga ayaa xusay in go’aanka lagu siiyay Machado uu astaan u yahay halganka haweenka iyo bulshada rayidka ah ee u taagan dimoqraadiyadda Latin America.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo hore u muujiyay rabitaan xooggan oo ku saabsan helitaanka abaalmarintan, ayaa si caro leh uga falceliyay go’aanka, isagoo ku goodiyey in uu “canshuuro dheeraad ah kusoo rogi doono Norway” haddii uu waayo billadda, sida ay qortay warbaahinta caalamka.