Xamaas oo ku dhawaaqday inay nidaamka iyo ammaanka Qasa dib u hagaajinayso ka dib heshiiska

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ayaa ku dhawaaqday in laamaha ammaanka guduhu ay bilaabi doonaan hawlgal ballaaran oo ay ku faafayaan aagagga ay ka baxeen ciidanka Israa’iil, si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta gudaha magaalada.
Bayaanka wasaaradda oo lagu faafiyay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, laguna taageerayo dib-u-soo-noqoshada nolosha rayidka ah ee goobaha burburka iyo barakaca ay ka dhaceen.
Wasaaraddu waxay shacabka ugu baaqday inay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, islamarkaana ay u hoggaansamaan tilmaamaha iyo amarada rasmiga ah ee la soo saari doono maalmaha soo socda.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay bilowdeen isbeddello amni oo la xiriira dib-u-gurashada ciidamada Israa’iil ka dib laba sano oo dagaal culus, duqeyn joogto ah iyo khasaare aad u weyn oo ka dhacay dhulka Qaza.
Dadka degaanka iyo hay’adaha samafalka ayaa soo dhoweynaya qorshaha cusub, balse weli waxaa jira walaac ku saabsan xaaladda bini’aadantinimo, adeegyada caafimaadka, iyo dib-u-dhiska goobaha burburay.
Israa’iil iyo Xamaas ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo dagaalkii labada sano ka socday marinka Qasa, kaas oo galaaftay nolosha ku dhowaad 70,000 oo Falastiiniyiin ah, waxaana heshiiska qeyb ka ah in ciidanka Israa’iil ay magaalada ka baxaan iyo in dib u dhiska lagu sameeyo Qasa.